Talis-ka CXD Oo Beeniyay In La Bililiqeeys-tay Xarunta Ciidamada Imaarad-ka General Gordan
Talis-ka Ciidan-ka Xooga Dalka Ayaa Beeniyay War-ka BEEN Abuurka Ah Ee Sheegaya In Ciidamo Ka Tirsan Kuwa Dowladda Federal-ka Soomaaliya Aay Boobeen Xarunta Tababarka Ciidamada Imaaraad-ka Carabta General Gordan Ee Magaalada Muqdisho..
Taliyaha Hogaanka Siyaadsada Iyo Wacigalinta Ciidanka Xoogga Dalka G/Sare Cabdi Xamiid Sheikh Cali Xaydar Ayaa Sheegay In Aay Been Abuur Tahay Wararka Sheegaya In La Boobay Xeradda general Gordan Ee Magaalada Muqdisho, Taliyaha Ayaa Sidoo Kale Sheegay In Uu Booqday Xerada Abaandullaha Ciidanka Xoogga Dalka.
Sidoo Kale Talis-ka Ciidan-ka Xooga Dalka Ayaa beeniyay Iska Hor Imaad Dhex Maray Ciidamada Xooga Dalka Iyo Kuwa Uu tababaro Imaaraad-ka carabta.
Warbaahinta Magaalada Muqdisho Ayaa Shalay Baahisay In Ciidamo Ka Tirsan Kuwa Dowladda Soomaaliya Aay Boobeen Xarunta Tababarada Ciidamada Imaaraadka Carabta Ee
General Gordan, Iyo In Aay Halkaasi Iskaga Hor Yimaadeen Ciidamada XDS Iyo Ciidamada Imaaraad-ka tababaro.
Kadib Markii Ay Isaga Baxeyn Saraakiisha Imaaraadka Carabta Oo Muddo Ah Xeradaasi Ku Tababaraayay Ciidamada Kumandos-ka Somaliya.
Xarunta general Gordan Ayaa Kamid Ah Xarumaha Lagu Tababaro Ciidan-ka Xooga Dalka Soomaaliya.

No comments
Post a Comment