Latest

ads header

Warar Cusub

Dowladda Qadar Oo Maamulka Gobalka Banaadir Ku Wareejisay 30 Gawaari +SAWIRO.

Dowladda Qadar Ayaa Maamulka Gobolka Banaadir Ku Wareejisay 30 Gawaari, Oo Ah Nuuca Loo Yaqaano  Koostar / Bas.
Gawaaridaani Oo Gaarayaa 30 Ayaa Waxa Laga Soo Dejiyay Dekedda Magaalada Muqdisho Dhoowr Maalin Kahor.

Sida Aay Dowladda Qadar Sheegtay Gawaaridaan Ayaa Waxaa Loogu Talo Galay  Maamulka Gobolka Banaadir, Taasi Oo Uu Uga Adeegaayo Shacab-ka  Degan Gobolka Banaadir.
Masuuliyiinta Gobolka Banaadir Ayaa Kala Wareegay  Basaskaan  Masuuliyiin Ka Socda Dowladda Qadar, Kuwaasi Oo Wakiil Ka Ahaa Dowladda Qadar.
Qatar Ayaa Ka Mid Ah Wadamada Sida Weeyn U Taageera Dowladda Soomaaliya, Iyada Oo Xiriir Dhaw La Leh Madaxda Talada Dalka Heysa, Xilli Uu Jiro Khilaaf U Dhaxeeya Dowladda Soomaaliya Iyo Dowladda Imaaraadka Carabta Oo Ka Mid Ah Wadamada Carbeed Ee Sheegay In Aay Xiriirka U Jareyn Dowladda Qatar.

Sawiro Wareeginta Baabuurta


 


No comments