Madaxweeyne Farmaajo Oo Dib Ugu Laabtay Xafiiskiisa Wasaaradda Gaashaan Dhigga.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaal-ka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo Ayaa Dib Ugu Laabtay Xafiiskiisa Wasaaradda Gaashaan Dhigga Soomaaliya, Halkaasi Oo Uu Maalmiihii Ugu Dambeeyay Ku Shaqeeynaayay.
Madaxweeynaha Ayaa Horay U Shaaciyay In Shaqadiisa U Wareejiyay Xafiiska Wasaaradda Gaashaan Dhigga, Halkaasi Oo Noqoneyso Xafiis-ka Labaad Ee Madaxweynaha.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale maalinta shalay aheeyd ka soo laabtay Dalka Sacuudiga halkaasi uu kaga qeeyb galaayay shirka Jaamacadda Carabta.
Madaxweeyne Farmaajo Ayaa Muddo Bil Ku Dhaw Horay Uga Soo Shaqeeynayay Wasaaradda Gaashaandhigga, Mudadaasi Gaaban Oo Lagu Guuleeystay Inla Sii Wado Qorshayaasha Isku Dhafka Ciidan-ka Iyo Dib U Diiwaan Gelintooda Ciidan-kaxooga Dalka Soomaaliya.
Tallaabada uu isla maanta ugu laabtay Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa muujineyso culeyska uu saarayo howlaha dib u habeynta Ciidanka Xoogga Dalka.
Madaxweeynaha Ayaa Dadaal Dheeri Ah Ugu Jiro Sidii Uu U Dhisi Lahaay Ciidan-ka Xooga Dalka, Iyo Sidii Aay Ula Wareegi Lahaayeen Guud Ahaan Ammaan-ka Dalka.
Dowladda Soomaaliya Ayaa Qorsheeynaysa Sidii Dalka Uga Xureeyn Lahaa Msaleeshiyada Argagixisada Al-shabaab.

No comments
Post a Comment