Madaxweeyne Farmaajo Oo Sheegay In Dib Loo Hoolgelin Doono Xarunta Tababarka Jaalle Siyaad.
Madaxweeynaha Jamhuuriyadda Federaal-ka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo Oo Maanta Dib Ugu Soo Laabtay Xafiis-kiisa Shaqo Ee Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Ayaa Kormeer Ku Tagay Xarunta Tababarada Ciidan-ka Ee Jaalle Siyaad, Waxa Uuna Sheegay In Dib Loo Hoolgelin Doono Dugsiga Tababarka Jaalle Siyaad.
Madaxweyne Farmaajo Oo Aay Wehlinayeen Saraakiil Ka Tirsan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya Ayaa Waxa Uu Goobta Ka Sheegay In Dowladda Soomaaliya Aay Qorsheeyneeyso Dib U Howlgelinta Xarunta Tababarka Ciidamada Ee Jaalle Siyaad.
Sidoo Kale Madaxweyne Farmaajo Ayaa Cutub Ka Mid Ah Ciidanka Amisom Ee Burundi Salaan Sharaf Ka Qaatay, Wuxuuna Kulan Gaar Ah La Yeeshay Wakiilka Midowga Afarica Ee Somalia Mr.Francisco Jose Maderia Iyo Saraakiisha Ciidanka Burundi Ee Saldhiga U Ah Kuliyada Jaalle Siyaad, Madaxweynaha Ayaa Ka Xog Waraystay Xaalada Xerada Iyo Dadaalada Ciidanka Burundi Aay Wadaan Kaasoo Ku Aadan Howlgalka Dowladdu Ku Cirib Tirayso Argagaxisada Al Shabab.
Wakiilka Midowga Africa Ee Somalia Mr.Maderia Ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Ku Sheegay Inuu Yahay Masuul Aay Ka Go’an Tahay Dhismaha Ciidan Xooggan Uu Dalka Yeesho Iyo In Lasoo Afjaro Kooxda Al-shabaab,wuxuuna Tusaale Usoo Qaatay Sida Uu Ugu Soo Guuray Wasaradda Gaashaandhigga Oo Mudooyinkii Danbe Ku Shaqaynayay.
Abaanduulaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya Cabdullaahi Cali Caanood Ayaa Sheegay In Madaxweyne Farmaajo Uu Daneeynaayo In Dib Loo Howlgeliyo Xarunta Tababar-ka Ciidamada, Isla Markaana La Qori Doono Dhalinyaro Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka Ka Mid Noqon Doonaan.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Ayaa Dib Ugu Laabtay Wasaradda Gaashaandhigga Oo Uu Saaka Dib Uga Bilaabay Shaqo Maalmeedkiisii.






No comments
Post a Comment