Ciidamo Ka Socda Dalka Siralyoon (Sierra Leone) Oo Soo Gaaray Soomaaliya +SAWIRO.
Ciidamadaan Cusub Ee Ka Socda Dalka Siralyoon (Sierra Leone) Ayaa Soo Gaaray Dalka Soomaaliya, Kuwaasi Oo Ka Howl Gali Doona Maamul Goboleedka Jubaland.
Dowladda Siralyoon (Sierra Leone) Ayaa Soomaaliya Usoo Dirtay 160 Askari Oo Boolis Ah, Kuwaasi Oo Qeeyb Ka Noqon Doonaan Howlgalka Amisom Ka Wada Soomaaliya.
145-taan Askari Ayaa Maanta Waxa Aay Ka Degeen Dekadda Kismaayo Ee Maamul Goboleedka Jubaland, Iyada Oo Aay Maalintii Shalay Aheeyd Aay Ka Horeeyen 15 Sarkaal Oo Iyaguna Ka Socdo Dalkaasi Siralyoon.
Sidoo Kale Taliyaha Ciidanka Siralyoon (Sierra Leone)
Mustafa Saleyman Kambeh Ayaa Ka Hadlay Soo Dhaweeynta Kismaayo, Asiga Oo Sheegay In Aay Ka Go’an Tahay In Aay Taageeraan Ciidamada Amisom Ee Ka Howl Gala Soomaaliya.
Ciidamadaan Ka Socda Dalka Siralyoon (Sierra Leone) Ee Soo Gaaray Kismaayo Ayaa Waxa Aay Noqonayaan Ciidamadii Ugu Badan Ee Boliska Amisom Ee Ku Sugan Somalia.












No comments
Post a Comment