Dowladda Imaaraad-ka Carabta Oo Si Cad Uga Hadashay Mowqifkeeda Soomaaliya.
Dawladda imaaraadka carabta ayaa markii ugu horeysay ka hadashay khilaafka kala dhaxeeya Soomaliya,iyo arrimaha Heshiiska Dekadda Magaaladda Berbera ee Maamulka Soomaliland.
Wasiiru Dowlaha Arimaha Dibadda ee Maamulka imaaraadka carabta Anwar Qarqaash oo wareysi siiyay Idaacada BBC-da laanteeda afka Carabiga ayaa sheegay inay aqoonsan yihiin Midnimada Soomaaliya, isagoo caddeeyay in aanay wax xiriir ah la laheyn Somaliland, islamarkaana Qunsuliyad iyo Safaarad midna ku laheyn.
Sidoo kale Wasiiru Dowlaha Arimaha Dibadda ee Imaaraadka Carabta ayaa sheegay inay muhiim tahay in khilaafka Somaaliya iyo Imaaraadka lagu dhameeyo wadahadal iyo is afgarad.
“Arrinta Dekeda Berbera waxay ku dhacday is faham cad oo aan la yeelaneynay dowladiii hore ee Soomaaliya, is fahamadaas waxay ahaayeen kuwo cad cad, waxay hoos imaanayeen taageerada Soomaaliya oo mid ah, innaga qunsuliyad kuma lihin Somaliland, safaaradana kuma lihin, xiriirna lama lihin, iskaba daayee waxaa kaalin fududeyn ka qaadanay inaan kulamo u qabano madaxda Soomaalida, waxay ku kulmeen Dubai iyo Abu Dubai, haddii aan aqoonsanahay siyaasadda Soomaali mid ah, in aysan naga reebeyn inaan ka shaqeyno dhinacyada horumarinta, gargaarka iyo kaalmada in aan Somaliland ka sameyno”ayuu yiri Anwar Qarqash.
Sidoo kale Anwar Maxamed Qar-qaash Wasiiru Dowlaha Arimaha Dibadda Imaaraadka Carabta ayaa dhaliilay qaabkii loola dhaqmay Diyaaradii dhawaan lagu qabtay Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho taas oo laga lahaa Dalka isu tagga Imaaraadka.
Xiriirka Soomaliya iyo Imaraadka Carabta ayaa Xumaday kadib markii dowladda Soomaaliya ay garoonka diyaaradaha Magaaladda Muqdisho ku qabatay diyaarad Imaaraadku lahaa oo siday lacag malaayiin dollar ah.

No comments
Post a Comment