Imaaraadka Oo Ku Dhawaaqay Xiritaanka Isbitaalka Sheekh Zayed Ee Magaalada Muqdisho
Sida Uu Sheegay Wargeeys-ka Alceyn, Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa shaacisay in gabi-ahaanba la joojiyay howlihii uu qaban jirey isbitaalka Sheekh Zayed Hospital ee ku yaala Degmada Shangaani ee Magaaladda Muqdisho.
Warkaan Ayaa Lagu Shaaciyay Wargeyska Alceyn ee kasoo baxa dalka Imaaraadka Carabta,waxaa gabi-ahaanba la joojiyay howlihii isbitaalka uu qaban jirey.
Isbitaalkaan ayaa ku yaala halkii la oran jiray Fiisha BRA,waxaana dawaadooyin u doonan jirey maalin walba dad da’yarta ah.
Ku dhawaaqista Imaaraadka ee xiritaanka Isbitaalka Sheekh Zayed ayaa kusoo beegmaysa xilli ay si rasmi ah dowladda Imaaraadka u shaacisay inay joojisay taageeradii iyo caawinaadii milatari ee ay siin jirtay dowladda Somaaliya.
Sidoo kale Saraakiisha Imaaraadka carabta ayaa maanta isaga guuray Xerada Jeneraal Gordon ee Imaaraadka Carabta ay Ciidamadda Soomaliya ku tababari jireen.
Xiriirka Soomaliya iyo Imaraadka Carabta ayaa Xumaday kadib markii dowladda Somaaliya ay garoonka diyaaradaha Magaaladda Muqdisho ku qabatay diyaarad Imaaraadku lahaa oo siday lacag malaayiin dollar ah.

No comments
Post a Comment