Latest

ads header

Warar Cusub

Shirka Ururka Jaamacadda Carabta Oo Maanta Ka Furmaya Magaaladda Dammaam.

Magaalada Dammaam ee dalka Sacuudiga waxaa maanta ka furmaya shir madaxeedkii 29-aad ee wadamada ku bahoobay Jaamacadda Carabta.
Shirkan waxaa diirradda lagu saarayaa qadiyadda Falastiin, dagaalka ka dhanka argagixisada iyo xiisadaha ka taagan dalalka Suuriya, Yamen iyo Liibiya, iyadoona madaxda carabtu ay si qoto dheer uga doodi doonaan xal u helista dhibaatooyinka ka jira dalalka xubnaha ka ah ururka Jaamacadda Carabta.
Madaxweynaha dowldda Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo shalay gaaray Magaalada Dammaam ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa Ka qeyb-galaya shirkaasi maanta ka furmayo Magaalada Dammaam.
Madaxweyne Farmaajo ayaa inta shirkan uu socdo waxa uu shir-doceedyo la yeelan doonaa Madaxda qaar ee shirka ka qeybgalaya, iyagoona ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka, iskaashiga iyo danaha guud ee kala dhexeeya dalalkaas Soomaaliya.

No comments