RW Xasan Cali Kheeyre Oo Fariin Adag U Direy Hay'adaha Amaanka Dowladda.
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa xalay kulan la qaatay Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir, Sarreeyeyaasha iyo Saraakiisha Ciidanka Booliska, , waxaana kulankaasi goob joog ahaa Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir Mudane C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed.
Kulankaan, ayaa looga hadlay howlaha Ammaanka Caasimada iyo siddii loo dardar gelin lahaa.
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed, ayaa sheegay in Taliska Booliska uu kordhiyey howlgalada Ammaanka lagu sugayo, isaggoo tilmaamay in loo baahan yahay wada shaqeyn buuxda inay yeeshaan Maamulada degmooyinka Gobolka Banaadir , Talisyada Saldhigyada Booliska iyo kuwa Nabad sugida.
Ugu dambeyntii Ra’iisul wasaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali kheyre ayaa ka hadlay ahmiyadda amniga Muqdisho , ilaalinta hantida Umadda , sare u qaadista kalsoonida shacabka , isagoo sheegay in si dhab ah la iskula xisaabtami doono hadii ay timaado dul duleelo xagga amniga ah.





No comments
Post a Comment