Saraakiil Imaaraad Ah Oo Lagu Xanibay Garoonka Diyuuradaha Magaalada Boosaaso.
Wararka ka imaanaya Magaaladda Boosaaso ayaa ku waramaya in Garoonka diyaaraddda Magaaladaas ay ku xaniban tahay diyaaradd qaadi laheyd Tababarayaal Ciidan oo u dhashay dalka Imaaraadka Carabta.
Sababta Xanibaadda ayaa lagu sheegay, in Tababarayaasha u dhashay dalka Imaraaadka ay diideen in la baaro boorsooyin ay wateen oo Ciidamdada ay doonayeen in la baaro, ka hor inta aan la saarin Diyaaradda.
Waxaa jira dadaalo ku aadan in la xaliyo is faham waaga u dhaxeeya tababarayaasha ciidan ee u dhashay dalka imaaraadka Carabta iyo Ciidamadda amaanka Puntland.
Maanta oo Sabti ah ayaa la qorsheeyay in tababarayaal u dhashay dalka Imaaraadka Carabta ay isaga baxeyn guud ahaan deeganada Maamulka puntland.

No comments
Post a Comment