C/Raxmaan C/Shakuur:-“Waa Arin Xun in Farmaajo uu Shaqo Ka Dhigto Dadka Ka Aragtida Duwan”.
Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa ka hadlay go’aan kasoo baxay Madaxtooyadda Kenya oo goordhaweyd lagu baajiyay xafladd lagu soo dhaweyn lahaa oo ka dhici laheyd Magaaladda Nairobi Kenya.
“Waxaan uga tacsiyeynayaa jaaliyada Soomaaliyeed ee Kenya iyo taageerayashayda baaqashada ku timid kulankii soo dhowaynta ahaa ee maanta Nairobi ka dhici laaha. Waxaa wax laga xumaado ah in maamulka Madaxweyne Farmaajo uu shaqo ka dhigtay bartilmaamsiga dadka ka aragtida duwan, gaar ahaan Xibsiga Wadajir. Waxaa xusuus mudan in aniga iyo Farmaajo sanad ka hor aan Nairobi ku qaban jirnay kulamo iyo olole siyaasadeed oo ka dhan ah maamulkii Madaxweyne Xasan Sheekh.
Hay’adaha amaanka Dowladdda Kenya ayaa joojiyay Xaflad lagu soo dhaweyn lahaa siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo maanta ka dhici laheyd Magaaladda Nairobi.
Munaasadda ayaa aheyd mid ay u qaban lahaayeen Jaaliyadda Soomaaliyed ee ku nool magalada Nairobi ee dalka Kenya taas oo ku saabsaneyd soo dhaweynta Guddoomiyaa Xisbiga Wadajir.

1 comment
VpielaAcresna-Bellevue Erica Parish https://wakelet.com/wake/1sALN04hYVh529J9_fU4G
eremousra
Post a Comment