Latest

ads header

Warar Cusub

Gabar Lagu Dilay Xeebta Liido Ee Magalada Muqdisho.


Askari Ka Tirsan Ciidamadda Dowladda  Soomaaliya Ayaa Xalay Fidkii Xeebta Liido Ee Magaaladda Muqdisho Waxa Uu Ku Dilay Gabar Dhalinyaro Aheeyd.

Sida Aay Ii Xaqiijiyeen Goob-joogayaal Ku Sugnaa Halka Uu Dilka Ka Dhacay, Askariga Dilka Geystay Ayaa Kasoo Baxay Dukaan Ku Yaala Xeebta,  Halka Gabadha Aay Iyaduna Kasoo Baxday Mid Kamid Ah Hotelada Ku Yaalla Xeebta Liido,
Askariga Ayaa La Sheegay In Uu La Hadlay Gabadha Balse Aay Ka Dhega Adeegtay Taasi Oo Keentay In Uu Rasaas Ku Furo Isla Goobtana Aay Ku Geeriyooto.

Sidoo Kale Waxa La  Sheegay In Aay La Socdeen Gabdho Kale, Balse Aay Goobta Ka Carareen Kadib Markii La Dilay Gabadhii La Socotay.

Ciidamo Ka Tirsan Kuwa Booliska Degmada Cabdul Casiis Oo Soo Gaaray Goobta Ayaa Meydkii Gabadha Geeyey Xarunta Cid-da Ee Magalada Muqdisho.

Dhanka Kale Waxaa Degmadda Cabul Casiis Laga Baadi-goobayaa Askarigii Dilay Gabadha.

No comments