Imaaraadka Carabta Oo Joojiyay Fiisaha Soomaaliya Kuna Bedeshay Somaliland + Cadeymo
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Imaaraadka Carabta ayaa websitekeeda laga codsado E-Visa waxay ka saartay Somaaliya iyada oo ku bedeshay Passaporka Somaliland.
Todobaadkan ayaa dad ku galeen Imaaraadka Somaliland Passport, Waxaana dhawaan shaacisay in ay Visa ku soo saarayo Passport-ka Somaliland shirkadda diyaaradaha ee Air Arabia ee Imaaraadka.
Muddooyinkii u dambeeyay waxa isa soo tarayay warar ku saabsan in dawladda Imaaraadku joojinayso sharciyada dadka u dhashay Soomaaliya.
Dowlada Imaaraadka ayaa shaacisay in ay joojisay tababaradii iyo taageeradii ay siin jirtay Ciidanka Milatariga gaar ahaan kuwa ay tababareen oo kun askari ka badnaa, waxaana ciidankan hada si toos ah uga amar qaadan doonaan taliska Milatariga oo markii hore saameyn badan ku laheyn.
Xiriirka Soomaliya iyo Imaraadka Carabta ayaa Xumaday kadib markii dowladda Somaaliya ay garoonka diyaaradaha Magaaladda Muqdisho ku qabatay diyaarad Imaaraadku lahaa oo siday lacag malaayiin dollar ah.

No comments
Post a Comment