Dowladda Kenya Oo Shaacisay Sababtii Loo Baajiyay Xafladii C/raxmaan C/shakuur.
Dowladda Kenya ayaa ka hadashay sababtii maanta loo baajiyay xafladd lagu soo dhaweyn lahaa Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame oo ah Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir.
Hoggaamiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale oo la hadlay BBC-da laanteeda afka Soomaliga ayaa sheegay in go’aanka lagu baajiyay xafladii lagu soo dhaweynayay Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur uu kasoo baxay Madaxtooyadda Kenya,islamarkaana Laamaha amaanka ay arinkaas fuliyeen.
Waxa uu sheegay in kenya aysan marnaba aqbali doonin in ay martigaliso, kulamo loogu hadlaayo burburinta dowladda Soomaaliya,islamarkana shirar kaliyah loo ogol yahay Xisbiyadda Kenya ka dhisan.
Dhanka kale Aadan Barre Ducaale waxa uu beeniyay in go’aanka lagu baajiyay kulanka Siyaasiga ay dowladda Soomaaliya ka dalbatay.
Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame oo ah Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir oo arinkaan ka hadlay ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Farmaajo in uu ka dambeeyay.

No comments
Post a Comment