Baro Sida Haboon Ee Looga Faaidaysto Waqtiga Aad Firaaqo Leedahay!!!
Dhibaatooyinka ugu badan ee ay ka cawdaan dhalinyarada xilligan nool ayaa waxa kamid ah firaaqada ama waqtiga banaan kasoo hadha waqtigooda, waana dhib haysta in badan oo kamid ah cirroole iyo caruurba, waayo waqtigan banaani waxa uu dadka qaar u noqdaa nimco oo waxay yaqaanaan sida looga faaidaysto, halka qaar kalena uu ku yahay khasaare waayo waxa aanay garanayn qaabka ugu haboon ee looga faaideeyo.
Bogaan waxa aad ka baran doonta jawaabaha waydiimahan soo socda:
1. Waa maxay waqtiga firaaqadu?
2. Muxuu leeyahay dhibaatooyin?
3. Sidee ugu haboon ee aynu uga faaidaynaa?
4.Maxaynu ula jeednaa waqti banaan?
1. Waqtiga bannaan ama firaaqo:
waa waqtiga aanuu qofku helin hawl uu qabto ama wax uu ku mashquulo, ha ahaato cibaado, waxbarasho, shaqo, ama hurdo.
Bina aadamkuna sidiisa horeba ma noolaan karo isagoon la fal galin waxyaabaha ku hareeraysan, waxa uu u baahan yahay falgalkan si uu u kasbado khibrad, garasho iyo madadaaloba, waqtiga bannaanina waxa looga faa’ideysan karaa qaab fiican iyo qaab aan haboonaynba, waxaanay ku xidhan tahay hadba shaqada la qabanayaa nooca ay tahay marka la saaro miisaanka xumaha iyo samahaba.
2. Dhibaatooyinka Waqtiga Banaan:
Waxa uu waqtiga banaani dhalinyarada u hor seedaa in ay ku mashquulaan ciyaar iyo dheeldheel, waxa uu baraa saaxiibka xun waxaanuu gaadhsiiyaa heer ay kala garan waayaan ciyaarta iyo xumaha toona.
Waqtiga banaani waxa uu dhalinta u horseedaa in ay gaystaan falal dambiyeed, waa sidii maahmaahdii ingiriisiga ahayd ee macnaheedu ahaaI (Shaydaanku waxa uu shaqo u sameeyaa dadka bilaa camalka ah si ay u shaqeeyaan).
Hadii ay ka faaidaysan waayaan dhalinyaradu waqtigooda bannaan waxa uu ku keenaa in ay jidh ahaan iyo caqli ahaan ba dib u dhacaan, taasi oo in badan oo qayrkood ka reebta.
3. Sideen ku qaataa waqtigayga banaan:
Wax barasho: Waxbarashada ayaa aan ahayn marnaba iyadu mid istaagta, marxalad hadii aad ka baxdaba mid kasii gudo ballaadhan ayay kuu gudbisaa, sidaa awgeed waxa haboon inaad kaga faaidaysatid waqtigaaga banaan waxbarasho.
Barashada xirfado cusub: waxa qurux badan inaad waqtigaaga banaan kaga faaidaysatid barashada xirfado cusub sida Computerka, wax akhriska, baadhitaanka iyo jimicsiga qaybihiisa kala duwan.
4. Maxaan ula jeedaa waqti banaan:
Waqtiga sidiisaba waa qaali balse islama oga umada oo idil inta ka faa’ideysato waa 30%, halka inta aan ka faa’ideysan aay tahay 70%.
waqtiga banaan waa waqti aad haaysato firaaqo aadan qabaneeyn wax howl ah, loona baahan yahay inaad uga faa’ideysato dhanka wanaagsan.
Waxaa kaloo uga faa’ideysan kartaa waqtigaada:
In aad #Socdaal ku qaadato oo soo kala baratid dhulkaaga ama deegaanka aad dagan tahay intii suurto gal ah.
waana muhiim inaad kala barto dhulkaada waa hadii aad joogto oo firaaqo u heshid.
Xidhiidhi ehelkaaga: Waxyaabaha ugu fiican ee ay tahay inaad waqtigaaga kaga faa’ideysid marka aad firaaqo leedahay waxa kamid ah xidhiidhinta ehelka, gaar ahaan xaaskaaga iyo caruurtaada, waxaana sidoo kale soo raaca inaad xariiriso saxibadada aad aheeydeen isku deganka, isku iskuulka, Iyo Iwm ah, waana lagama maarmaan ina uu qofku sameeyo arinkan si uu usoo saaro caruur tayo leh oo hadhaw qaybteeda ka gasha bulsho toosan iyo saxibo wanaagsan oo ayagana kugu daysada.
Ugu dambayntii Nabigeenu NNKH waxa uu yidhi xadiis macnihiisu ahaa : (“Laba nimco dad badani ka moogan yihiin, caafimaadka iyo firaaqada”).
Wabilaahi Toowfiiq
Asc Wr Wb.

No comments
Post a Comment