Natiijada Imtixaanka Shahaadiga Ah Ee 2016-2017 Dowladda Oo Soo Ban Dhigtay .
Ku dhawaad 16,000 (lix iyo toban kun) oo
ardey oo ka mid ah ardayda sanadkan u fadhiisatay Imtixaanka shahaadiga ee
Wasaaradda Waxbarashada ay ka qaaday ardayda dugsiyada sare ee dalka ayaa la
sheegay inay ku baaseen Imtaxaanka.
Wasiiru dowlaha Wasaaradda
Waxbarashada ee Xukuumada Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle ayaa
sheegay in sanadkan ay imtixaanka ku baastay ku dhawaad 16,000 oo arday,
“Tirida imitixaanka ku baastay
sanadkan waa 15, 356 arday, 5,094 ay gabdho yihiin halka 10,262 ay wiilal
yihiin” ayuu yiri Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada.
Wasiir ku-xigeenka
Wasaaradda Waxbarashada Feysal Cumar Guuleed ayaa sheegay in uu qorshaha
imtixaanka ee sanadka uu ahaa inay u fariistaan ilaa iyo 23,000
(saddex iyo labaatan kun) oo ardey laakiin waxaa imtaxaanka ka
qeybgalay oo u suurta gashay , 18,239 (sideed iyo toban kun, labo boqol,
sodon iyo sagaal) ardey,
“23,000 waxa ay ahayd intii is
diiwaangelisay, balse waxaa sanadkan imtixaanka u fadhiistay 18,239 arday, inta
kale waa ay u suurta geli weysay inay imtixaanka galaan” ayuu yiri Wasiir
ku-xigeenka Waxbarashada Soomaaliya.
Tabanka ardey ee
kaalimaha hore ka galay Imtaaxnka shahaadiga ee sanadkan ayaa waxaa
Dowladda Soamaaliya siisay deeqo waxbarasho oo dalka dibadiis ah sida uu
sheegay Ra’iisulwasaare ku-xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuled (Khader)
“Tobanka arday ee ugu sareysay
waxa ay dowladda siineysaa deeqo waxbarasho oo dibadda ah, oo weliba u cuntama,
tikidkiisa iyo noloshiisa dowladda ayaa qabta Insha Allah” ayuu yiri Ra’iisul
Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya.



No comments
Post a Comment