Latest

ads header

Warar Cusub

Puntland Oo Shaqada Ka Ceeyrisay Gabar Taageertay Dowladda Dhexe Ee Soomaaliya.


Wararka Naga Soo Gaaraya Maamul Goboleed-ka Puntland Ayaa Sheegaya In Agaasime Ku-xigeenka Madaxtooyadda Puntland, Cawil Xassan Daad Uu Shaqada Ka Ceeyriyay Xubin Ka Tirsaneeyd Hab-maamuuska Madaxtooyada Puntland, Ka Dib Markii Aay Barteeda Facebook-Ga Ku Taageertay Dowladda Soomaaliya Taas Oo Muqdisho Looga Arimiyo.

Gabadha Laga Ruqseeyay Shaqada Ayaa Lagu Magacaabaa Aamina Abdisalan, Waxa Aayna Sheegtay  In Shaqada Laga Ruqseeyay, Ka Dib Markii Ay Diiday Iney Joojiso Taageerada Dowladda Federalka Soomaaliya.

Waxa Aayna Tiri Sidatan:-
Puntland Goormay Danbi Ka Noqotay Dawladda Federaalka Ha Taageerin Dareenkagana Ha U Muujin,
Hadiiba Shaqadaydii Saaka Oo Bishu Ahayd 12/5/2018 ,
La
Iiga Ruqseeyay Maxaa Dawladda Federaalka U Taageertay Waa Arin Ugub Ah,
Maxaa Naloo Yiri Puntland Waa Dimuqaraadi,
Adeerayaal Booskii Waa Banaan Yahay Qofkii Caburin Iyo Caga Juglayn Raboow
Dalku Waa Nabad Iyo Nolal .”

No comments