Latest

ads header

Warar Cusub

Dhegeyso Gaas:-“Dalka Uma Baahno Inuu Dib Ugu Laabto Xukun Milatari".-KADARSHE NEWS

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) oo maanta Magaaladda Garoowe kaga qeyb galay shir loogu hadlayay arrimaha Dastuurka ayaa ka hadlay arrimaha Dastuurka KMG ah iyo Federaalka.
Madaxweyne Gaas oo ka hadlayay Arrimaha dastuurka KMG ah iyo marxaladihii uu soo maray ayaa waxa uu sheegay in dadaal badan ay Puntland ku bixisay sidii loo heli lahaa dastuur dalku yeesho balse la xaday.
Madaxweyne Gaas oo hadalkiisa laga dheehanayey khilaafka u dhexeeya isaga iyo Madaxda Dowladda Dhexe ayaa sheegay in dalku uusan u baahnayn inuu dib ugu laabto xukun milatari.
Dhanka kale Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) ayaa dhaliil u jeediyay Xildhibaanadda labadda aqal ee Puntland ku matala Dowladda Dhexe ee Soomaaliya,wuxuuna sheegay in ay kasoo horjeedaan Hormarka Puntland.
Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweeynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas).

No comments