Latest

ads header

Warar Cusub

Wasiir Sacad: “Waa Xaqiiq Dowladda Imaaraadka Carabta Inama Aqoonsana”.


Maamulka Somaliland Ayaa Jawaab Ka Bixiyay Hadalkii Dowladda Imaaraadka Carabta Kasoo Yeeray Ee Ku Adanaa In Aaysan Aqoonsaneen Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Ee Maamulka Somali-land Dr Sacad Cali Shire Ayaa Sheegay In Imaaraadka Aanay Aqoonsaneyn Somaliland, Islamarkaana Aanay Safaarad Iyo Qunsuliyad Toona Ku Laheyn.

Wasiirka Ayaa Sheegay In Heshiiskii Ay La Galeen Imaaraadka Carabta Ee Dekadda Iyo Saldhiga Magaaladda Berbera Uu Ahaa Mid Sax Ah, Islamarkaana Uu Ahaa Heshiis Daneed Iyo Mid Saaxibtinimo.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somali-land Ayaa Sheegay In Heshiiska Dekeda Berbera Uu Horay Baarlamaanka Somaliland Isagoo Tifaftiran La Geeyay, Lagana Akhriyay, Lana Asnixiyay, Wixii Intaas Ka Dambeeyana Loo Raacayo Sharciga.

Dhanka Kale Dr Sacad Cali Shire Ayaa Waxba Kama Jiraan Ku Tilmaamay Eedeynta Loo Jeediyay Madaxda Somali-land Ee Ku Aadan In Ay Galeen Khiyaano Qaran.

Dhawaan Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibada Imaaraadka Carabta Anwar Qarqaash Ayaa Sheegay Inay Aqoonsan Yihiin Midnimada Soomaaliya, Isagoo Caddeeyay In Aanay Wax Xiriir Ah La Laheyn Somaliland, Islamarkaana Qunsuliyad Iyo Safaarad Midna Ku Laheyn.

Sidoo Kale Wasiiru Dowlaha Imaaraadka Carabta Ayaa Sheegay In Heshiiska Dekadda Magaaladda Berbera Uu Ahaa Mid Dhex-maray Dowladii Xasan Shiikh Maxamuud  Iyo Imaaraadka Carabta.

No comments