Indhacadde ”Dadka Dagaalada Nooga Dhinta Waxaa Ka Badan Kuwa Imaaraadka Naga Dilay, Waana Cirbad Nagu Surneeyd”
Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacade) Ayaa Ka Hadlay Xiisada Siyaasadeed Ee Waqtigaan U Dhaxeeysa Dowladda Soomaaliya Iyo Dowladda Imaaraadka Carabta.
General Yuusuf Indhacade Ayaa Marka Hore Sheegay In Dowladda Imaaraadka Aaysan Dalka Soomaaliya U Imaanin In Aay Dadka Soomaaliyeed Kaalmeyso, Balse Aay U Timid Sidii Aay U Curyaamin Laheyd Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Indhacadde Ayaa Sheegay Sababta Aay U Yimaadeen Imaaraadka Carabta Soomaaliya In Aay Tahay Hinaaso Aay Ka Qabaan Dowladda Turkiga, Taas Oo Caawinaad Badan Ka Geeysta Gayiga Soomaaliyeed.
Dowladda Turkiga Ayaa Caawinaad Badan Ka Geeysatay Dalka Soomaaliya, Taas Oo Aay Ku Caawineeyso Dadka Danyarta Ah, Sanadkii 2011 Abaartii Dalka Ka Dhacday Ayaa Waxaa Qeeyb Weeyn Ka Qaadatay Dowladda Turkiga Taas Oo Aay Ku Garab Istaagtay Dowladda Soomaaliya Iyo Shacab-ka, Taasina Aay Tahay Sababta Aay Dowladda Imaaraad-ka Uga Hinaastay Dowladda Turkiga.
“Dowladda Imaaraadka Dalkeena Waxa Aay U Joogtaa Lug
Gooysmo,
Wax Faa’ido Ah Aanu Ku Qabno Ma Jirto, Dalkeena Waxa Aay Keeni Jireen Daawoyin Dacay Iyo
Badeeco Dhacday, Waxana Idin Sheegayaa In Dadka Soomaliyeed Ee Dagaalada Ku Dhinta Iyo
Kuwo Imaaradka Uu Dilo Aay Badan Yihiin Kuwa Imaaraadka, Waxaana Uga Mahad Celinayaa Dowladda Soomaaliya, Oo Ka Biyo Diiday Awaamiirta Imaaraad-ka,
Sidoo
Kale Waxaana Heli Doonaan Dowladdo Ka Wanaagsan Oo Inoo Bedela Ayuu Yiri Yuusuf Indhacade”
Sidoo Kale Yusuf Indhacadde Ayaa Sheegay Sababta Soo Dedejisay Khilaafka Dowladda Somaliya Iyo Imaaraadka Aay tahay In Dowladda Imaaradka Carabta Aay Dooneeyso In Dowladda Soomaaliya Aay Sida Aay Doonto Ka yeelato Kana Amar Qaadato, Taasina Madaxda Dalka Anfici Weeysay.

No comments
Post a Comment