Akhriso: Wada-hadal U Furmay Dowladda Soomaaliya Iyo Imaaraadka Carabta.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay khilaafka kala dhaxeeya Imaaraadka Carabta.
Wasiirka Arrimaha dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inuu jiro wada-hadal toos ah oo ka dhex bilowday Somaaliya iyo Imaaraadka Carabta.
Wasiirka ayaa sheegay tan iyo markii uu soo ifba baxay khilaafka ay Madaxda Labadda Dowladood go’aan ku gaareen in la xaliyo islamarkaana meel wanaagsan ay marayaan.
Dhanka kale wasiirka Arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa beeniyay in Dowladda Imaaraadka Carabta ay warqad Dacwad ah u gudbisay Dowladda Sacuudiga Carabiya.
DowladDa Imaaraatka ayaa go’aansatay in ay joojiiso tababaradii iyo taageeradii ay siineysay ciidanka Milatariga Dowladda Soomaaliya, kadib markii meeshii ugu xumeyd uu gaaray xiriirka labada dal u dhaxeeya.
Wakaalada wararka u faafisa Imaaraadka Carabta ee WAM ayaa shaacisay in dowlada Imaaraatka ay joojisay tababaradii iyo taageeradii ay siinayeen ciidanka kumaandooska Soomaaliya iyo kuwa maamulka Puntland.
Khilaafka Labadda Dowladooda ayaa soo bilowday kadib markii Ciidamadda NISA ay Garoonka Muqdisho ku qabteen Boorsooyin lacagaha ah oo ku socday Safaaradda Imaaraadka ee magaaladda muqdisho

No comments
Post a Comment