WAR GEG DEG: Somaliland Oo Shan Sano Xarig Ah Ku Xakuntay Boqor Buurmadow.
Maxkamadda Magaalada Hargeysa Ee Gobolka Maroodi Jeex Ayaa Maanta Waxa Aay Xukun Ku Ridday Boqor Cusmaan Aw Maxamuud Buurmadow Oo Dhawaan Lagu Xiray Hargeysa Oo Markii Dambe Damaanad Banaanka Ku Joogay.
Maxkamada Gobolka Maroodi Jeex Ee Magaalada Hargeysa Ayaa Maanta Oo Khamiis Ah U Fadhiisatay Kiiskii Boqor Buur Madow, Iyada Oo Lagu Xukumay 5 Sano Oo Xabsi Ah.
Boqor Buur Madow Oo Kamid Ah Salaadiinta Waaweyn Ee Somaliland Ayay Ciidamada Booliiska Somaliland Dhawaan Xireen Waxana La Sheegay Inuusan Iibsan Karin Xariga Balse Uu Cafin Karo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.
Eedeeynta Ugu Weyn Ee Lagu Heesyto Boqor Buurmadow Ayaa Ah Hadallo Ka Dhan Ah Somaliland Uu Dhawaan Ka Jeediyay Xaflad Lagu Caleemo Saaray Beel Daajiye Maxamed Taas Oo Ka Dhacday Magalada Carmo Ee Gobolka Bari.
Maamulka Somaliland Ayaa Sheegay In Aay Xiri Doonaan Qof Walba Oo Caqabad Ku Ah Madaxbanaanida Somaliland Iyo Jiritaankeda, Maadaama Aay Tahay Xuriyad Raadis.
Ugu Dambeeyn Maxkamadda Maroodi Jeex Ayaa Dhawaan Waxa Aay Xakuman Kala Duwan Ku Riday Dad Soomaaliyeed, Kuwaasi Oo Aan Waxba Galabsan Balse Maamulku Ku Eedeyay Qaran Dumin.

No comments
Post a Comment