Madaxweyne Farmaajo Oo Hambalyo U Diray Guddoomiyaha Cusub Ee Baarlamaan-ka.
Muqdisho, 30ka Abriil 2018; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Ayaa Hambalyo U Diray Guddoomiyaha La Doortay Ee Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/Raxmaan.
Madaxweynaha Ayaa Ku Ammaanay Guddoonkii Kmg Ahaa Ee Golaha Shacabka, Guddigii Doorashada Iyo Xildhibaannada Baarlamaanka Sida Ay U Guteen Waajibkooda Dastuuriga Ah, Waxa Uuna Madaxweynuhu Tilmaamay In Dhacdadani Ay Calaamad U Tahay Dimuqraadiyadda Xoogeysaneysa Ee Ka Jirta Dalka.
“Hamabalyo Ayaan Leeyahay Guddoomiyaha Cusub Ee Maanta La Doortay, Sidoo Kale Waxaan U Hambalyeynaa Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Sharafta Leh, Iyo Shacabka Soomaaliyeed. Guddoomiyaha La Doortay Waxaan Alle Uga Rajeyn In Uu U Fududeeyo Shaqada Culus Ee Loo Igmaday” Ayuu Yiri Madaxweyne Farmaajo.
Madaxweynaha Ayaa Sidoo Kale Bogaadiyey Musharixiinta Kale Ee U Tartamay Xilka Guddoomiyaha, Waxa Uuna Sheegay In Sida Ay U Tartameen Ay Muujineyso In Dalkeennu La Jaan-qaaday Hannaanka Hufan Ee Ku Saleysan Dimuqraadiyadda, Iyo Hufnaanta, Taas Oo Dalka Horumar Gaarsiineysa.
Dhammaad
Xigasho Villa Somalia
Xigasho Villa Somalia

No comments
Post a Comment