Dowladda Soomaaliya Oo La Wareegeysa Ciidamada Uu Tababaray Imaaraadka Carabta.
Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa ka hadashay qorshaha loo diyaariyay Ciidamada ay Imaaraadka tababareen.
Wasiirka Gaashandhigga Soomaaliya Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in maalinta khamiista ah 12-ka april wasaaradda ay la wareegayso dhamaan ciidamadda imaaraadka Carabta ay tababareen,islamarkaana ay dowladda Soomaliya bixin doonto wixii mushaaraad ah.
Waxa uu sheegay in Mushaarka ay imaaraadka siinayeen Ciidamadda Dowladda Soomaliya uu ahaa mid KMG ahaa islamarmaana uu waqtigiisa dhamaaday.
Wasiirka ayaa dhanka kale sheegay in wasaaradda ay diyaarisay ciidamo dhowr ah oo qalabeysan kuwaasi oo loogu talagalay in ay weeraraan goobaha ay ku sugan yihiin Maleeshiyaadka Al-shabaab.

No comments
Post a Comment